243 Views

TPLF oo ciidamada dowladda Eriteria ku eedeeysay inay weerar ku soo qaadeen

TPLF oo ciidamada dowladda Eriteria ku eedeeysay inay weerar ku soo qaadeen
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 21, 2022

Warbixin lagu baahiyey telefishiinka TIgraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa dowladda Eritrea ku eedeeyey ciidamadooda iney weerar ku soo qaadeen gudaha deegaankaasi.

Weerarkaasi ayaa caqbad ku noqday in uu gaaro gargaarka ay u baahan yihiin shacabka gobolka Tigraay oo deggan xadka Eritrea.

Madaxa Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka dabiicga ee deegaanka Tigraay oo ay TPLF maausho Atinkut Mezgebu, wuxuu sheegay ilaa iyo 16-KII December iney deegaankaasi soo gaareen 2,000 oo gaari oo sido raashiin gargaar ah.

Wuxuu intaa raaciyey wararka deegaankaasi ka imanaya ay yihiin kuwa aad looga naxo, raashiinka oo la dhacayo, dadka la dilayo ama la afduubanayo. Falalkaasina oo dhan ay fulinayaan ciidamada Eritrea.

Dalka Itoobiya waxaa soo wajahday xaalad bani’aadanimo oo aad u liidato kaddib marki uu dalkaasi uu ka socday dagaal laba sano socday.

Warbaahinta maxalliga ee dalka Itoobiyana waxay baahiyeen 8 qof oo ay seddex caruur ah ay ku jiraan in gaajo iyo dawo la‘aan ugu dhinteen xero ku taala deegaanka Amxaarada.

Dowladda dhexe dhankeeda waxay sheegtay dad ka badan 8 malyan oo qof ay saameeyeen dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socday oo ku nool deegaannada Tigraay, Amxaarada iyo cafarta.

Dhinaca kale mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo fallaagada TPLF ayaa wuxuu shir uga socdaa magaalada Nairobi.

Shirkaasi oo ujeedkiisu yahay heshiiski nabadeed ee 2-di bishan ay labada dhinac ku gaareen dalka Koonfur Afrika sidi loo dardargelin lahaa.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post