453 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabis sameeyay
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool, kaas oo lagu Magacaabo Cumar Daa’uud Khaliif.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Mas’uulkas Magacaabay.

Sidoo kale waxaa la faray Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool ee la Magacaabay in si wanaagsan uu u guto waajibaadkiisa Shaqo ee looga xilsaaray Gobolka Bakool.

Magacaabista Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli degaano badan oo ka tirsan Gobolka Bakool, kuwaas oo qaarkood u go’doonsan Al-Shabaab laga soo sheegayo inay kajiraan xaalado daran oo Bani’aadanimo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post