1473 Views

Guddoomiye ku xigeenka Yaaqshiid oo ka hadlay shaqa joojinta Guddoomiyihiisa

Guddoomiye ku xigeenka Yaaqshiid oo ka hadlay shaqa joojinta Guddoomiyihiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Yaaqshiid Maxamed Deeq Xasan Gaafow, ayaa ka hadlay shaqo joojin uu maamulka Gobolka Banaadir ku sameeyay Guddoomiyaha degmadaas.

Maxamed Deeq,waxaa uu sheegay in shaqada ay sii wadi doonaan, eedeynta Guddoomiyaha loo jeediyay inta laga xallinaya ay iyaga shaqada sii qabanayaan.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyadda ayaa Maxamed Deeq ku wareejiyay xilka inta Guddoomiyaha degmada ee musuqa loo heysto eedaha ay ka soo dhamaanayaan.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay banaanbax shalay ka dhacay Degmada oo ay dhigayeen Bajaajley  ashtako ka ahaa Askari ka tirsan Booliska oo dilay qof iyaga ka mid ahaa.

Waxa uu sheegay in banaanbaxayaasha uu kula kulmay Xarunta Degmada una ballan qaaday in ay soo qabanayaan askariga dilka geystay sharcigana la horkeenayo.

Guddoomiyaha Yaaqshiid ayaa waxaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinac Maaliyadda maaddaama uu maqanyahay Guddoomiyaha Gobolka.

Waa markii 2aad oo Guddoomiyaha Gobolka oo safar ku maqan uu Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda shaqo joojin ku sameeyo Guddoomiye Degmo,waxaana ka horreeyay Cumar Shariif Jeeg, Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne oo uu sidan oo kale ku sameeyay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment