549 Views

Maamulka Gedo oo gaashaanka u daruuray in la qaado ciidamada aan deegaanka u dhalan.

Maamulka Gedo oo gaashaanka u daruuray in la qaado ciidamada aan deegaanka u dhalan.
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 19, 2022

Maamulka Jubaland ayaa sheegay inuu ka filayo dowladda cusub ee Soomaaliya inay xal waara ka gaarto arrinta gobolka Gedo oo khilaafka ka taagan uu muddo soo jiitamayay.

Juballand ayaa dowladda cusub ka dalbanaysaa in Gedo laga qaado ciidammada aanan sida sharciga ah ku joogin halkaasi.

Dhankooda maamulka gobolka Gedo ayaa waxa ay si diirran u soo dhaweeyeen xilka madaxtinimdada Soomaaliya ee loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Hasayeeshee waxa ay gaashaanka u daruureen codsiga ah in ciidammada federaalka halkaas laga qaado iyagoo ku adkaystay in baahidii markii horaba meesha loo geeyay ay taagan tahay.

“Annaga Juballand wax xiriir ah nagama dhaxeeyo, balse waan jeclaan lahayn inaan xiriir wada yeelanno madaxweynaha cusub” ayuu yiri Axmed Buulle Gareed, gudoomiyaha gobolka Gedo oo wareysi siiyay BBC-da.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post