1200 Views

QM oo ku baaqday joojinta Bacaha lagu qubo Badda

QM oo ku baaqday joojinta Bacaha lagu qubo Badda
____________________________________________________________________________

8-da June waa maalinta loo gaarka leeyahay in lagu soo bandhigo faaiidooyinka Khayraadka Badda, Dhibaatooyinka ay la kulmaan Noolaha ku dhex nool & kahortagga waxyaabaha Khatarta ah sida ka ilaalinta in la sumeeyo.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in Biyaha iyo Xeebaha Dalka oo laga helo Faaiidooyin dhowr ah oo fursado dhaqaale u ah dadka u xoogsi taga si ay ula soo baxaan Kalluunka.

Biyaha Soomaaliya waxaa ku sugan Maraakiib iyo Doomo ay leeyihiin Dowlado shisheeye kuwaas oo u yimid la dagaalanka Burcad Badeedda balse waxaa dhowr jeer lasoo calaamadeeyay kalluumeysi sharci darro ah iyo in ay ku shubaan qashin u badan haraadiga Warshadaha.

Dalalka Afrika waxaa dhaqaale ahaan aad u hooseeya la socodka dhaq-dhaqaaqa iyo ka faaiideysiga khayraadka dhex ceegaga waana tan keentay in ay loolan u galaan Dowladaha Reer Galbeed iyaga oo qiil ka dhiganaya ilaalinta nabadgalyada isu-socodka Gaadiidka Badda.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo in Badaha lagu qubo ama lagu shubo waxyaabaha Balaastiigga ah oo dhibaato u ah Noolaha Badda sida ka muuqata Sawirro lasoo bandhigay oo ay soo bandhigtay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post