495 Views

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ka digay in Afgaanistaan ay soo wajahdo masiibo

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo  ka digay in Afgaanistaan ay soo wajahdo masiibo
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 15, 2021

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in Afgaanistaan ay soo wajahdo masiibo bini’aadantinimo oo qoto dheer taasoo uu sheegay inay khatar ku tahay aasaasiyaadkii xuquuqul insaanka.

Waxay sheegeeen in ragga, haweenka iyo carruurta lagu qasbayo faqri iyo gaajo, sababtoo ah cunaqabateynta shisheeye ee la saaray dalka ka dib markii Taliban ay la wareegeen bishii Ogosto gacan ku haynta dalkaasi.

Burburkii ka yimi waaxdii bangiyada iyo ka-noqoshada deeqaha shisheeye waxay keentay natiijooyin aad u xun oo ay ku jiraan iibka carruurta ee laga soo sheegay meelo ka mid ah dalkaas.

Xafiiska xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan in ka badan todobaatan warbixinood oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan dilal sharci darro ah oo ay gaystaan maamulka Taliban

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post