672 Views

Dibad baxyo ka socdo Suudaan iyo Isgaarsiinta oo xayiran

Dibad baxyo ka socdo Suudaan iyo Isgaarsiinta oo xayiran
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

 Ka hor inta aysan bilaaban banaanbaxyo ay ku dhawaaqeen Kooxaha  isbadal doonka oo lagu diidan yahay heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan ay wada saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk iyo Taliyaha ciidamada Suudaan, ayaa la jaray dhamaan  adeegyadii Isgaarsiinta sida internetka iyo taleefannada gacanta.

Mudaaharaadyada ayaa  ka socda afaafka hore ee xarunta looga arrimiyo Jamhuuriyadda Suudaan ee bartamaha caasimadda Khartuum, halkaas oo ay ku suganyahiin dad aad u badan oo ka soo horjeeda heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan ay wada saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Xamduuk iyo Taliyaha ciidamada.

Arrinkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada milaterigu ay soo rogeen tallaabooyin cusub oo ka dhan ah golaha Xukuumadda, sidokalana ay soo rogeen xaalado kale oo degdeg ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post