1236 Views

Britain Oo Ku Baaqday In La Soo Gebagebeeyo Dagaalka Yemen

Britain Oo Ku Baaqday In La Soo Gebagebeeyo Dagaalka Yemen
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Ra’isul-wasaarada dalka Britain, Tereesa Meey waxay hadalkaasi ka sheegtay Shir Madaxeedka Dowladaha Carabta iyo kuwa EU-da ee lagu soo gabagabeeyay magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.

Waxay ugu baaqday Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/Casiis oo ku sugnaa Madasha Kulankaasi inuu xoogiisa isugu geeyo sidii uu ugu dhiiri-gelin lahaa Kooxaha ku dagalaamaya gudaha dalka Yemen inay wada gaaraan Heshiis Nabadeed, kana shaqeeyaan Dib-u-dhiska Dowladnimo ee dalkaasi.

Tereesa Meey waxay u sheegtay Dowladaha Caalamka inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan Deganaanshaha Siyaasadeed ee Xiisadda Colaadeed ee dalka Yemen.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarada dalka Britain waxay ballan qaaday inay  200 million oo Giniga Ingiiiska oo u dhiganta 261 million oo Dollar kaalmo ahaan u siinayaan dalka Yemen, waxayna hoosta ka xariiqday in Deeqdan cusub loo adeegsan doono Hawlaha Samafalka ee deeqaha lagu gaarsiinayo Malaayiin qof oo Yemeniyiin ah, kuwaasi oo ku nool xaallad cunto-yari ama aan haysanin biyo nadiif oo ay cabaan.

Hadalka Tereesa Meey waxa uu soo baxay maalmo kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Jeremi Hant ku booriyey Dowladda Jarmalka inay ka fekeraan inay joojiyaan Hubka ay Sacuudiga ka iibiyaan.

Dowladda Britain waxay horey u diideen inay joojiyaan hubka laga iibiyo Sacuudiga, inkasto oay si kulul u naqdiyeen dilkii Saxafigii Sacuudigaanka ee Jamaal Khashogi, kaasi oo la shegay inay Sirdoonka Sacuudiga ka dambeeyeen dilkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Britain waxay dhinac Taageero Samafal ka siinayaan dadka Yemeniyiinta, iyagoo weli Sacuudiga ka iibiya Hubka casriga.

Xigasho: Birmingham Live

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment