564 Views

Banaanbaxyo ka socda Hargeysa

Banaanbaxyo ka socda Hargeysa
____________________________________________________________________________

Banaanbaxyo lagu taageerayo   dooddii Baarlamaanka UK ee aqoonsiga Somaliland ayaa ka socda Magaalada Hargeysa.
Banaan-baxaan oo lagu qabtay Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad badan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo siyaasiin kale.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa isbuucii hore dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.
Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.
Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post