924 Views

Shir lagu heshiisiinayo laba Beelood oo Maalintii labaad socda

Shir lagu heshiisiinayo laba Beelood oo Maalintii labaad socda
____________________________________________________________________________

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maalintii labaad ka socda Shir lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhawan lu dagaalamay degaano duleedka Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shirka ayaa Maalintii koobaad waxaa shalay furay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxaana goobjoog ka ah, Guddi Odayaal ah, Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Shirkaan ayaa wajigiisa koobaad  waxaa uu Beledweyne ka dhacay todobaadkii hore, waxaana wajiga labaad ee haatan socda looga hadlayaa sidii loogu kala garsoori lahaa labada Beeleed ee dagaalamay.

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo furitaanka Shirka ka hadlay ayaa u digay dad uu sheegay inay doonayaan in ay xagal daaciyaan Shirka, isla markaana aysan ka aqbaleyn.

Geba-gabada Shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ay ku heshiiyeen labada dhinac , kuwaas oo laga doonayo inau dhaqan gelinyooda ka qeyb qaataan laamaha Amniga Maamulka Hir-Shabeelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post