1416 Views

Madaxweyne Farmaajo, Nicholas Haysom wuxuu eedsaday hadalkii ahaa “Muqdisho Soomaaliya maahan, Soomaaliyana Muqdisho maaha”

Madaxweyne Farmaajo, Nicholas Haysom wuxuu eedsaday hadalkii ahaa “Muqdisho Soomaaliya maahan, Soomaaliyana Muqdisho maaha”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 16, 2019  – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay 14 maalin kadib xog ka bixiyay sababtii dalka loog eryay Nicholas Haysom.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dalka laga ceyriyay kadib markii lagu eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in magacaabistii Haysom ay kusoo aaday iyadoo uu jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, islamarkaana ay kaga digeen inuu faraha la galo  siyaasadda arimaha gudaha Soomaliya.

” Ergayga Qaramada Midoobay markii lasoo magacaabay oo noo yimid waxaan u sheegnay in Soomaalida ay dhaxdooda heshiinayaan intay doonto haku qaadatee, waxaan kale u sharaxnay in aysan raali ka aheyn in lasoo faragaliyo”

“Inkastoo Maamul goboleedyadu qabeen in dhinac sadexaad soo galo anaguna mar walbo ku diidaneyn, waayo waxaan ogahay intay rabto ha qaadato hadaan Soomaali nahay xalka anaguu nagu jiraa anagaana heshiineyna cid damaanad noo kala saxiixeysana malahan, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aad uga caroodeen hadal uu magaalada Baydhabo ka jeediyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom , waxa uuna sheegay hadalkaasi in uu ahaa mid sii xoojineysay kala qeybsanaantii jirtay.

”Baydhabo safar mar uu ku tagay waxa uu yiri, Muqdisho Soomaaliya maahan, Soomaaliyana Muqdisho maaha, arintaas arin aan ka caroonay ayey aheyd oon wanaagsaneyn siina xoojineysa kala qeybsanaanta iyo farqiga u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada,, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment