1869 Views

Hay’adda ICG oo ka digtay dagaal kale oo dhexmara Somaliland iyo Puntland

Hay’adda ICG oo ka digtay dagaal kale oo dhexmara Somaliland iyo Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 28, 2018 –  Warbixin Hay’adda la socodka xasaradaha caalamka ee International Crisis Group ee ICG ay ka qortay colaada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegtay in ismarin-waaga labada dhinac uu marayo meel xun, kadib markii labada maamul ay ciidamo hor leh soo dhoobeen gobolada Sool iyo Sanaag.

Hoggaamiyeyaasha labada dhinac ayaa waxa ay sare u qaadeen lahjadoodii dagaal, ayna guul dareysteen isku dayo dhinaca waan waanta ah oo ay wadeen dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay.

Iska hor imaad dhexmara labada dhinac ayay warbixintu sheegtay in uu yeelan doono taariikh xun oo dhinaca waqooyi ee Soomaaliya ku timaada, sidoo kalena deganaansho la’aan u keenta dalka intiisa kale, waxayna ka digtay in labada maamul ay markale isku soo hor fariistaan dagaal.

Waxaa kaloo ay sheegtay Hay’adda ICG in colaadan ay dan u noqon doonto ururka Al-shabaab iyo kooxda yar hase ahaatee qatarta badan ee ISIS, si taasi looga hortago ayay dalbatay in la soo wada fariisto miiska wada hadalka.

Hoggaamiyeyaasha Afrika, kuwa reer Galbeedka, Hawlgalka QM ee Soomaaliya, Dowladda Itoobiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Deeq bixiyeyaasha ayay Hay’addu ka dalbatay inay talaabooyin deg deg ah qaadaan, si colaada loo baajiyo.

Sanadkan 2018 ayaa noqday sanadkii gacan ka hadalka ugu badan uu labada dhinac dhexmaray, iyada oo ilaa 20 iska horimaad oo hubeysan ay dhaceen laga soo bilaabo bishii January ee sanadkan, waxaana ICG ay tilmaamatay dagaal daba dheeraada inuu keeni karo khasaare hor leh.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment