2022 Views

Galmudug Cadeeysay In Sanadkan Aysan Doorasho Dhici Doonin

Galmudug Cadeeysay In Sanadkan Aysan Doorasho Dhici Doonin
____________________________________________________________________________

Galmudug | QOL | Maarso 16, 2019 – Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Golaha Wasiiradda Galmudug,iyadoo looga hadlay arrimo kala duwan kulankaas.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Golaha Wasiiradda Galmudug,waxaana looga hadlay arrimaha Dhaqaalaha, Jiheynta Siyaasada, Dardargalinta howlaha hor yaalla Golaha Wasiirada Galmudug.

Markii uu kulanka soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir in waxa uu sheegay in Galmudug ay hal Dastuur leedahay ayna ku hishiiyeen dastuurkaasna ay ku shaqeyn doonaa

Sidoo kale Sheekh Shaakir  ayaa sheegay in Galmudug aysan ka dhici doonin wax Doorasho ah Sanadkan,isla markaana wixii doorasho ah ay dhici doonaan saddex kadib.

Ugu dambeyntii Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa tilmaamay in Heshiiskii ay wada galeen Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca uu yahay bilowa maamulkaas.

 

 

 

 

.

Xafiiska Qaranimo Online |Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment