630 Views

Hay’adda Qaxootiga Norway oo ka warbixiyay xarig dad Jimcihii lagu xiray Tripoli.

Hay’adda Qaxootiga Norway  oo  ka warbixiyay xarig dad  Jimcihii lagu xiray  Tripoli.
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Qoraal uu soo saaray agaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee dalka Liibiya Dax Roque ayaa ka warbixiyay xarig wadareedyo ka badan 500 oo muhaajiriin ah oo Jimcihii lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

 “Waxaan ka naxay wararka sheegaya qabqabashada dadka tirada badan ee muhaajiriinta ee Tripoli. Waxaan maqleynaa in ka badan 500 oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, la uruuriyay, si sharci darro ahna loo xiray, waxayna halis ugu jiraan xadgudub iyo in loola dhaqmo si aan habbooneyn” ayuu lagu yiri warbixin uu soo saaraay Dax Roque, oo ahagaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee Dalka Liibiya.

Muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Liibiya, gaar ahaan kuwa aan haysan deggenaanshaha sharciga ah ee dalkaas, ayaa inta badan halis ugu jira xabsi aan loo meel dayin, jirdilka, tacaddiyada galmada, iyo baadda oo aad ugu badan xarumaha dadka lagu hayo ee Liibiya.

“Waxaan rumaysanahay in mowjaddan ugu dambaysa ee qabqabashadu ay qayb ka tahay cadaadiska ballaaran ee maamulka Liibiya ku hayo muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Liibiya” ayuu bayaankan sii raaciyay.

Hay’addan ayaa sidoo kale ugu baaqday,mas’uuliyiinta Liibiya inay si deg -deg ah u sii daayaan dadka xiran isla markaana ay joojiyaan cadaadiska ka dhanka ah muhaajiriinta iyo qaxootiga., waxayna wadamada xiriirka la leh Liibiya, gaar ahaan dowladaha Yurub ugu baaqeen inay kale kor u qaadaan dib -u -dejinta qaxootiga ku sugan Liibiya.

.

VOA Somali

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post