459 Views

Booliiska Mareykanka oo baaraya Dadka ka dambeeyay Dilka Imaamka Masjidka Abuu hureyra.

Booliiska Mareykanka oo baaraya Dadka ka dambeeyay Dilka Imaamka Masjidka Abuu hureyra.
____________________________________________________________________________


Sabti: December 25, 2021

Booliiska Mareykanka gaar ahaan qaybta dabagalka dambiyada ayaa baaraya Meydka Imaamka Masjidka Abuu hureyra Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ku yaalla Ohio Columbus oo maalmihii lasoo dhaafay la waayay.

Urur ay ku mideysan yihiin Muslimiinta Mareykanka ayaa gacan weyn ka geystay in la raadiyo xogta Sheekh Maxamed, waxaa la helay isaga oo dhaawac xooggan uu ka muuqdo jirkiisa oo muujinaya waxa uu sababtay.

Saraakiisha Booliiska Mareykanka ayaa sheegay in ay adeegsanayaan baaritaanno dhammeystirsan si ay usoo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka arxad darrada ah ee loo geystay Imaamka Masjidka Abuu Hureyra.

“Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ah Imaamka Masjidka Abuu hureyra oo la waayay ayaan ku dhaqaaqnay raadintiisa, waxa aan helnay meydkiisa oo dhaawac xooggan ka muuqda, allaha u naxariistee waxa uu ahaa nin wanaagsan, Booliiska ayaan ka sugeynaa jawaabta baarista uu wado” Sidaasi waxaa yiri qof kamid ah Bulshada Muslimiinta Mareykanka.

Dilalka loo geysto Imaamyada Masaajidda, Culimada & Dhalinyarada ku xiran Masaajidda iyo Goobaha waxbarashada Islaamiga ah waxaa inta badan dusha laga saaraa Kooxo Islaam naceybka ku fogaaday.

Booliiska ayaa sheegay in ay adeegsanayaan Kaamirooyinka wax duuba si loo dabagalo Dadka ka dambeeyay dilka, raad-raacaas ayaa ah dhabbaha keliya ee lagu ogaan karo halka ay ku kulmeen Imaamka la dilay & kooxda dilka u geysatay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post