1002 Views

Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo gaaray Gaalkacyo

Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo gaaray Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 8, 2021==Magaalada Gaalkacyo ee Xaru ta Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray Wafdi ka socda Maamulka  Koonfur Galbeed, si ay u qiimeeyaan xaalada qoysaska laga soo musaafuriyay laascaanood ee ku sugan gobalka Mudug.

Wafdiga ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Wasiirka Haweenka Puntland, Gudoomiye ku xigeenka gobalka Mudug, duqa degmada Gaalkacyo iyo Isimada Koonfur Galbeed ee gobalka Mudug.

Xubnaha Wafdiga ka socda Maamulka Koonfur Galbeed ee gaaray Gaallacyo ayaa ka kooban, Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowlada hoose, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Gaadiidka, Wasiirka Gargaarka iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka.

Wafdigaan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland, iyaga oo sidoo kale kormeeri doona Goobaha la dejiyay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee Somaliland kasoo musaafurisay laas-Caanood.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post