489 Views

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay xariga loo geeysanayo shacabka Somaliland

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay xariga loo geeysanayo shacabka Somaliland
____________________________________________________________________________


Axad: June 5, 2022

Musharrax xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in la xidhay ninkii lahaa Meherad uu caawa fadhiistay oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi aysan ku joogsaneeyn xadhigga muwaadiniinta Soomalilan, iyo caburintooda.

“Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan caawa shaah ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba muujiyey”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Wada uu hadalkiisa raaciyay “Ayaan darro ka weyni ma jirto in Xukuumadda muddo xileedkeedii sii dhammaanayo xeeladeedi iyo xooggeediina ku soo ururisay xadhigga xaq-darrada ah, waxa ay tani muujineysaa in ay lumisay kalsoonidii Shacabka, anniga oo si adag u cambaareynaya xadhig xaqdarrada ah,waxa aan ugu baaqayaa Xukuumadda in xorriyaddiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiso muwaadinkaa maalgashadaha ah”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post