519 Views

Xubnaha ka socda Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo kulamo ka wada Beledweyne

Xubnaha ka socda Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo kulamo ka wada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 11, 2021=Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Aqalka Madaxtooyada Gobolka Hiiraan casha sharaf iyo soo dhaweyn ugu sameeyay xubno katirsan Gudiga Doorashooyinka heer faradaraal iyo heer Dowlad Gobaleed ee  gaaray Beledweyne.

Munaasabadda waxa ka qeyb galay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka kan Degmada Beledweyne iyo qeybaha Bulshada magaalada.

Masuuliyiinta ka hadashay munaasabada ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey Gudiyada Doorashooyinka heer faradaraal iyo heer Dowlad Gobaleed una balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan habka ugu fudud ee doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose loogu qaban karo Beledweyne isla markaana ay la shaqeyn doonaan Gudiga.

Gudoomiyaha Gobalka ayaa Gudiga inta Aay Joogan Beledweyne u balan qaaday in ka.maamul ahaanba aay la garab taagan yihiin wadashaqeyn iyo daah-furnaan si loo gaaro Hiigsiga iyo Himilada doorasho nabdoon sidii ay uag dhici laheyd Beledweyne Bulshada ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Guudiga iyo Maamulka iyo sidoo kale laamaha Amaanka.

Xubno u hadlay Gudiga ayaa Maamulka iyo Bulshada uga Mahad celiyay iyo Bulshada Reer Beledweyne sida ay u soo dhaweeyeen si gaar ah Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, iyaga oo balan qaaday in ay si guud iyo si gaar gaar ah ula kulmi doonaan qeybaha kala Duwan ee Bulshada ayna dhageysan Doonaan Fikiradooda ku Aadan in Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose lagu qabto Beledweyne iyo Habka wada jir loogu wajihi karo Doorasho Nabdoon.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post