1323 Views

Safiirka Soomaaliya U Joogay Dalka Kenya Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Safiirka Soomaaliya U Joogay Dalka Kenya Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 17, 2019–Magaalada Muqdisho ayaa Maanta  waxaa soo gaaray Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamud Axmed Nuur Tarsan,kadib markii lagu amray in uu ka isaga baxo dalkaasi.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Tarsan Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,waxaana la socday Wasiirka Arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad iyo Madax kale.

Safiirka  u joogay dowlada Soomaaliya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa lagu amray in dib ugu laabto dalkiisa,halka dowlada Kenya u jeertay Danjirihii ka joogay Soomaaliya Lukaas Tumbo.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in dalka Soomaaliya oo ay deriska yihiin dhinaca Waqooyi inay u aqoonsadeen Dowlad caddow ah, kadib, markii ay xaraashtay xuduud-baddeedka Kenya ee ay ku jiraan Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, DFS weli si rasmi ah ugama aysan hadlin Go’aanka ay Dowladda Kenya ku shaacisay inay somalia u arkaan dal caddow ku ah Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment