1293 Views

Madaxweynaha Kenya oo Sheegay in Ciidankiisu ay sii Joogi doonaan Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya oo Sheegay in Ciidankiisu ay sii Joogi doonaan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 30- 2019 –daxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidankiisu ay baaqi ku sii ahaan doonaan Soomaaliya, ka dib Khudbad uu jeedinaayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kenya.

 

Waxaa uu sheegay madaxweyne Kenyatta in Dowladdiisu ay ka go’an tahay la dagaalanka  Al shabaab, isagoo xaqiijiyay in ay ka sii mid ahaan doona hawlgalka midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya si wadajir loogu ciribtiro Al-Shabaab gobolka oo dhan.

 

“Ciidammadeennu waxay sii wadi doonaan inay ka mid noqdaan kuwa AMISOM illaa halista ka imaanaysa kooxda xagjirka ah ee dalka khalkhal galinaya lasoo Afjaro” ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

 

Isagoo intaas raaciya “Ciidamada difaaca waxay ku dadaalayaan hadafkooda ah inay nabad waarta iyo horumar waara ka keenaan Kenya iyo deriskeeda.”

 

Askarta KDF ayaa loo soo diray Soomaaliya Sanadkii 2011 kadib dhowr weerar oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Gudaha dalka Kenya. Markii dambe waxay ku biireen ciidammo ka kala socda Uganda, Burundi iyo dalal kale oo Afrikaan ah oo qayb ka ah AMISOM.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment