1509 Views

Deganaansho la’aan siyaasadeed oo ka taagan dowlad degaanka Soomaalida

Deganaansho la’aan siyaasadeed oo ka taagan dowlad degaanka Soomaalida
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa Saaka ka taagan xaalad kacsanaan ah ka dib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha dowladd degaanka iyo Madaxda sare ee dalka Itoobiya.

Khilaafka ayaa markii hore ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha xisbiga talada dowlad degaanka Haya Axmed Shide, sidoo kalena ah Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, waxaana la isku qabtay Arrimo ku saabsan maamulida degaanka.

Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa maanta inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada, iyadoo magaalada Jigjiga laga soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed, kaddib markii madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar shalay labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafa ayaa waxaa xilka madaxtinnimada dowlad degaanka loo doortay 22-kii August sanadkii 2018-kii.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment