1182 Views

Beelaha ka cabanaya doorashada ka socota dalka oo sii kordhaya

Beelaha ka cabanaya doorashada ka socota dalka oo sii kordhaya
____________________________________________________________________________

Waxaa sii kordhaya waxgaradka & beelaha ka cabanaya qaabka ay haatan ku socoto doorashada xilligaan ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdullaahi raage Xuseen oo kamid ah Xildhibaanadii Baarlamaankii 8aad ee dalka ayaa ku dhaliilay dowladda Fderaalka & maamul goboleedyada iney ka gaabiyeen habsami u socodka doorashada dalka.

isaga oo la hadlayey Warbaahinta ayuu soo hadal qaaday shir ay aalada Fogaan araga ee (Zoomka) ku yeesheen qaar kamid jaaliyadaha beesha hawiye ee  qaarada yurub , afrika & ameerica, kaas oo looga hadlayey sida ugu haboon ay u dhici karto doorashada iyada oo aan wax leys dabamarin…
Xildhibaan Cabdulaahi Raage Xuseen ayaa waxa uu sheegay in laga baaqsan kari lahaa cabashooyinka, isaga oo si adag ugu dhaliilay Xukuumada istaraariijadeeda guud ay ku wajaheyso doorashada dalka.
Sidoo kale waxa uu sheegay iney xiriir xoogan & iska warqab uu kala dhexeeyo musharixiinta isbadal doonka ah, kuwaas oo uu sheegay iney yihiin kuwa laga sugayo bad baadada dalka sida uu hadalka u dhigay.
Dhawaan Soomaaliya waxaa ka biaabatay doorashada Golaha Shacabka gaar ahaan Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana ka timid cabasho ballaaran oo sababtay in kuraasta qaarkood la sheegay in doorashadooda lagu celinaayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post