1902 Views

QARAX AAD U WEYN OO CIIDAMADA XOOG DALKA SOOMAALIYEED FASHILYEEN

QARAX AAD U WEYN OO CIIDAMADA XOOG DALKA SOOMAALIYEED FASHILYEEN
____________________________________________________________________________

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta maleeshiyada Alshabaab ka xoreeyay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ka dib dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen maleeshiyada kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, ayay komaandoosta Danab ee Xoogga Dalku ku guuleysteen in ay deegaanka Sabiib ka eryaan Alshabaab.

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari booyad ah oo argagixisadu  kasoo buuxiyaan walxaha qarxa, qiimeyn eey sameeyeen qubarada yaqaana walxaha qarxa ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa qaraxii ugu weynaa ebed ay diyaareen argagixisada Alshabaab.

Waxaa sidoo kale la sheegay qarax lagu waday magaalada Muqdisho, laguna wax yeeleeyo shacabka Soomaaliyeed

Ciidanka Xoogga ayaa gacanta ku soo dhigay tiro ka tirsan maleeshiyadii u dagaallameysay argagixisada Alshabaab.

Ciidammada Qaranka ee dalkeenna, ayaa ku howlan in ay cadowga ku baacsadaan goobaha ay ku harsan yihiin, si aysan u helin gabbaadyo ay ka soo abaabulaan falalkooda argagixiso.

Dowladda Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay argagixisada ka xoreyso goobaha ay dalka uga harsan yihiin, si bulshada Soomaaliyeed ugu naallooto nabad iyo xasillooni

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment