1443 Views

Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo war kasoo saaray qaraxii xerada General Dhaga Badan

Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo  war kasoo saaray qaraxii xerada General Dhaga Badan
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Saacado kadib Qaraxii askarta badan ku dhinteen oo saakay ka dhacy xerada General Dhaga Badan  ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaan Yuusuf Raage.

Taliye Odowaa ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa meesha ka dhacay, waxa uuna ku tilmaamay askartii ku dhimatay halkaas in ay yihiin shahiidiin, waxa uuna Xaqiijiyay dhimashada in ka badan  10 ka mid ah dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale.

Taliyaha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bar-koontarool oo laga galo xerada, xilli ay dhalinyarada sugeysay baaritaan, si ay galayaan gudaha, wuxuuna tilmaamay inuu soo dhex-galay ruuxa is-qarxiyey oo watay jaakadda qaraxyada.

“Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri.

about:blank Sidoo kale dhalinyarada qaarkood ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyada oo la geeyey goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post