474 Views

Maamul cusub oo loo Magacaabay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Maamul cusub oo loo Magacaabay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan & kuxigeenkiisii Amniga, isaga oo mas’uuliyiin cusub u magacaabay degmadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi loogu Magacaabay Nuur Maxamed Absuge oo loo yaqaano (Nuur Dheere) , kaas oo kamid ahaa saraakiishii hoggaamineysay kacdoonkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle ee kajiray Beledweyne halka guddoomiye kuxigeenka Amniga loo magacaabay Cabdi Cabdullaahi Xasan.

Sababaha xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyo kuxigeenkiisii Amniga ayaa waxaa lagu sheegay soo jeedin ka timid Xildhibaannada Baarlamaanka Hir-Shabeelle ku matala degmada Jalalaqsi iyo dardar gelinta howlaha Shaqo ee degmada lana tashaday madaxda Sare ee Hir-Shabeelle.

Ugu dambeyn dhamaan hay’adaha Amniga iyo Shacabka degmada Jalalaqsi ayaa waxaa la faray inay la Shaqeeyaan mas’uuliyiinta la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda Shaqo.

Shalay ayay aheyd markii xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan xilli isaga iyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ay howlgal ka wadeen degaano hoostaga degmadaasi Matabaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post