1827 Views

Ciidamada Kumaandosta Danab iyo ciidamada Nabad Sugida Jubbaland oo howlgal qorsheesan ka fuliyay duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kumaandosta Danab iyo ciidamada Nabad Sugida Jubbaland oo  howlgal qorsheesan ka fuliyay duleedka magaalada Kismaayo.
____________________________________________________________________________

khamiis: November 11, 2021

  Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan Ururka 5Aad Guutada 16aad Ee Kumaandosta Danab iyo ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaano kuyaala duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgalkan ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidamada Nabad iyo kuwa Jubbaland ayaa ka dhacay deegaanada Labi_Kus, Qudus, Yaaq_Dabeeyl iyo Dharkeeyn oo kuyaala Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Saraakiil hogaamineysay howlgalka ciidanka ayaa sheegay in ciidamada bur buriyeen xarumo ay lahaayeen Al Shabaab gaar ahaan goobo canshuurta lagu qaadi jiray iyo goob kale oo la sheegay in Maxkamad u aheyd Al Shabaab

Sidoo kale Ciidamada Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa siyaabo kala duwan deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo uga fuliya howlgalo qarsoodi ah ay ku beegsadaan goobo ay joogaan Al Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post