732 Views

Golaha Wadatashiga oo soo saaray jadwal doorasho iyo go’aano kale

____________________________________________________________________________

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray jadwal cusub oo loo dejiyey doorashada Soomaaliya iyo go’aano ay ku gaareen shirka arrimaha doorashada ee ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Jadwalka cusub ee doorashada ee lasoo saaray ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha dalka ay dhacdo 10-ka October 2021.

Jadwalka guud ayaa sidan u dhigan:-

1- Tababarka iyo doorashadda guddoonka guddiyada doorashadda ayaa dhacaya 30 June – 05 July 2021.

2- Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ayaa lagu soo geba-gebeynayaa illaa 23-ka July 2021.

3- Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa la qoondeeyey in la qabto 25-ka July 2021.

4- Soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka doorashadda ee u codeynaya xildhibaanada golaha shacabka, ayaa lagu soo geba-gebeynayaa 15 July – 10- August 2021.

5- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa dhaceysa 10 August – 10 September 2021.

6- Dhaarinta Xildhibaannada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa dhacaya ugu dambeyn 20-ka September 2021.

7- Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaceysa 10 October 2021.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhanka kale sheegay in ayada oo uu tixgelinayo codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, uu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post