351 Views

Al-Shabaab oo markale Gubay Guryo iyo Ceelal biyoodyo ku yaalla Gobolka Hiiraan

Al-Shabaab oo markale Gubay Guryo iyo Ceelal biyoodyo ku yaalla Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Wararka Idaacadda Risaala ee Muqdisho ay ka heleyso degaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gubeen dhammaan guryihii kuyaallay degaanka.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, sidaasina ay ku gubeen guryihii, sidoo kalena  qarax ku bur-buriyay Halkii  ceel biyood ee ku yaalay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Sidoo kale dadka degaanka waxaa ay sheegeen in xilligaan ay soo wajahday duruufo dhanka nolosha ah kadib markii Ceelkii biyaha ay ka cabayeen iyo Guryihii ay ku noolaayeen ay gubeen Al-Shabaab.

“ Wallaaloow anaga oo guryaheena iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga axno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnayna qaraxyo ayay ku burburiyeen, mana qaano waxa aan ka galabsanay ayuu yiri” Mid kamid ah dadka degaanka Ceel-jiqoow oo hoostaga degmada Maxaas.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo kuyaalla Gobolka Hiiraan, sidoo kalena ay qaraxyo ku burburiyaan Ceel biyodyo, waxaana tllaabadaan ay kusoo aadeysaa xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay Ciidamada dowladda & kuwa Macawiisleyda ka wadaan degaano & degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post