840 Views

Maamulka Dhuusamareeb oo dib u dayactir ku sameynaya Nalalka cadceedda ku shaqeeya

Maamulka Dhuusamareeb oo dib u dayactir ku sameynaya Nalalka cadceedda ku shaqeeya
____________________________________________________________________________

Isniin: December 20, 2021

Maamulka Dhuusamareeb ayaa bilaabey dadaal dib loogu dayac tirayo nalalka ku shaqeeya cadceedda ee ku xiran waddooyinka waaweyn ee Caasimadda Galmudug.

Ilaa 25- dab keydiye (Batary) oo uu soo iibiyay Guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, si looga shaqeysiiyo qayb ahaan 173-nal oo Dhuusamareeb siiya iftiin, kuwaa oo tiro ka mid ah ay u dameyn farsamo xumi ay wajahayeen mudo 6-sano ah oo ay Caasimadda ka sudhnaayeen.

Xildhibaan hore Yuusuf Gacal iyo Calas Cabdinuur Barre, Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada Caasimadda oo muddadii nalalkani Caasimadda ku yaaleen wax badan kala socday marxaladihii ay soo mareen ayaa ku baaqey in loo istaago sidii loo daari lahaa, kuwooda u dansan battery la’aanta iyo kuwa kale ee ciladda farsamado ku timid.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa ugu dambeyn sheegay in tabarta maamulka degmadu la ekaatey soo iibinta 25-kan dab keydiye si wajigan 1-aad loogu daaro nalalka dansan ee ku xiran bartamaha magaalada, iyadoo maamulku ugu baaqay bulshada in ay ka wada qayb qaataan soo iibinta tiro intan ka badan oo loo baahan yahay, kuwaa oo lagu dayac tirayo kuwa ku xiran suuqa weyn ee Dhuusamareeb.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post