207 Views

Madaxwayne Xasan Sheekh oo furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed kuna adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed  kuna  adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada.
____________________________________________________________________________

.

.

 
Talaado: January 17, 2023

 Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30-kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar nagu jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadow ee aynu leenahayna uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.

“Dadka reer Koonfur Galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhaba iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur Galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed oo ay kala qabaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii siyaasiyiinta reer K/Galbeed ay heshiiyaan ay fududaa doonto xoreynta deegaanada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool.

“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Al-Shabaab, Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo kooxda, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed, oo halkaan ayaa ka bilaabeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta fikirka gurracan ee Al-Shabaab in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen Al-Shabaab

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post