975 Views

Ciidamada Ammaanka oo howlgal ka bilaabey Magaalada Garoowe

Ciidamada Ammaanka oo howlgal ka bilaabey Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka bilaabeen howlgallo,kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

 

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintey Guddoomiyihii Gobolka nugaal,waxaana Ciidamada oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkayaa,iyaga oo howlgallo ka fulinaya Xaafadaha qaar ee Magaalada Garoowe.

 

 

 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay galayaan guryaha qaar,hayeeshee halka ugu badan ee howlgalka uu ka socdo ay tahay agagaarka xaafadaha ku dhow dhow halkii uu qaraxa ka dhacay,hayeeshee aysan jirin dad ay weli ku qabteen.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse iyo wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen inay hayaan xogo ku saabsan qeyb kamid ah qofkii is qarxiyey.

 

Xaalada Magaalada Garoowe ayaa saaka ka duwan maalmihii la soo dhaafay,waxaana Magaalada lagad areemayaa howlgallada Ciidamada iyo nadiifinta goobtii uu qaraxa ka dhacay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment