903 Views

Kulan u socdo Madaxweynaha Somaliland & Wafdi ka socda Itoobiya

Kulan u socdo Madaxweynaha Somaliland & Wafdi ka socda Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 19, 2020 –Magaalada Hargeysa waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shido iyo Xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,kuwaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas.

 

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa la geeyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa,halkaas oo ay shir kula leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliland & Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada.

 

 

 

Warar ku dhow dhow kulankaas ayaa waxaa ay sheegayaan in looga hadlayo arrimo ku saabsan sidii Soomaaliland looga dhaadhicin lahaa inay ogolaato in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraajo uu tago Magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay jeediyey khudbadda Madaxweyne ee sanadlaha ah ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in Madaxweynaha Soomaaliya oo yimaado Hargeysa.

 

Hayeeshee waxaa jirtay in Saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen Wararka sheegaya in wafdi ay Itoobiya u direyso Magaalada Hargeysa si arrmahaas Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlaan,waxaana kulanka haatan ka socda Madaxtooyada uu yahay mid Saxaafadda ay banaanka ka joogto.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment