327 Views

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay deegaanno ka tirsan Hiiraan

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay deegaanno ka tirsan Hiiraan
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Al-shabaab uu ka dhacay maanta deegaanka Jicibow oo u dhow degmada Buuloburde ee gobolkaasi.

Wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA,ayaa baahisay in fariisamadii Al-shabaab halkaa ku lahaayen ay ciidamadu la wareegeen, hase yeeshee ma jirto cid kale oo si madax bannaan u xaqiijinaysa arrintaas.

Gobolka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay meelaha maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalladii ugu cuslaa ee u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa macawislayda oo is garabsanaya iyo Al-shabaab

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post