Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017:-Waxaa saakay dib loo furay wadada isku xirta isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP, taasi oo muhiim u ah isku socodka, talaabadaasi waxaa qaaday Maamulka Gobolka Banaadir.
Wadadan oo horey dib u dhis loogu sameeyay ayaa u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha Guriga Shaqaalaha ee hadda noqotay xarunta Baasaboorada laga bixiyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo masuuliyiin kale ayaa si wadajir ah u furay wadadaasi.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo halkaasi warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed culeyskii heystay ee la xiriiray wadadan ay ka qaadeen, shacabka dhankoodana looga baahan yahay hadii wadadan la furay in Ciidamada ay kala shaqeeyaan dhanka amniga.
Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga, si looga hortago falalka amni daro ee ka dhaca mararka qaar magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda Xasan Cali Khayre in ay ka go’an tahay wixii hore ee jiri jiray in wax badan laga bedelo, si hormarka caasimadda loo dar dar geliyo.
Halkan Ka Dhagayso
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________