1176 Views

Khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho oo soo kordhaya

Khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Ugu yaraan 3 qof ayaa dhintay todobo kalena way dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray lagu weeraray bar koontarool oo ku taala isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa sheegay in ninka waday gaariga qaraxa saarnaa uu xoog ku jiiray ciidamo boolisa oo fadhiyay goob aan ka fogeyn isgoyska dabka balse markii rasaas lagu riday ay keentay in dadkii ku sugnaa isgoyska sayidka ay ka cararaan goobta kuwii gaadiidka saarnaana ay ka dagaan taasoo keentay inuu yaraado khasaaraha uu dhaliyay qaraxaasi.

Sidoo kale Qarxan ayaa ah Qarax aad uga qasaara yar qaraxii maalmo ka hor ka dhacay Hotel afrik ee Magalada MUqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post