1032 Views

Kismaayo oo diyaarad ka degtay maalmo ka dib

Kismaayo oo diyaarad ka degtay maalmo ka dib
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 28-2019 —Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad ka ambabaxday Magaalada Muqdisho maanta in ay gaartay Magaalada Kismaayo oo halkaasi ay kasoo qaaday Rakaab.

 

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal ma jirin rakaab ay diyaarado ka qaaday Muqdisho marka laga reebo Shaqaallaha diyaaradda iyo qalab Caafimaad.

 

 

Diyaaradda ayaa soo qaaday dad u badan Shacab oo maalmihii ugu dambeeyay ku xayirnaa Magaalada Kismaayo ka dib markii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xayiraad saartay.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku sugnaa garoonka Kismaayo markii ay diyaaradda soo degeysay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment