705 Views

Ciidamada xoogga oo Howlgalo ka fuliyay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Balcad iyo Afgooye Shabaab lagu Dilay.

Ciidamada xoogga oo Howlgalo ka fuliyay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Balcad iyo Afgooye Shabaab lagu Dilay.
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya saakay Xuduuda u dhaxaysaa afgooye iyo Balcad ayaa sheegaya in Xalay ilaa shalay galinkii Danbe ay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen Howlgalo qorshaysan oo ay ku baacsanayaan Maleeshiyaadka shabaab ee ku Nool Deegaanadaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada  ay Howlgalada ka fuliyeen deegaanka Ballow oo dhaca inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye, waxaana halkaas lagu dilay xubno ka titrsanaa Al-Shabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale deegaanada la xusay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegeen waxaa ka mid ah Jambaluul oo lagu dilay xubnihii lagu weeraray ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo warbixinta howlgalladaas la wadaagay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, isla markaana howlgalkii ay qaadeen ay qeyb ka ahaayeen duqeymo dhinaca cirka ah. https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post