999 Views

Maxay ka wada hadleen RW Suudaan & Dhaxal-sugaha Sacuudiga

Maxay ka wada hadleen RW Suudaan & Dhaxal-sugaha Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10da Maarso, 2021:Ra’isul-wasaare Abdalla Hamdouk waxa uu booqasho 2 maalmood ah ku tegay dalka Sacuudiga, isagoo hoggaaminayey Wafdi Dowladeed oo heer sare ah.

Abdalla Hamdouk waxaa Garoonka Caalamiga ee King Khaled International Airport ee magaalladda Riyadh ku soo dhaweeyey Amiir Faysal Bander Bin C/Casiis iyo Danjiraha Sudan u jooga dalka Sacuudiga, Ambassador Caadil Bashiir.

Ra’isul-wasaaraha dalka Sudan waxa uu booqasho 2 maalmood ah ku joogi doona Sacuudiga, isagoo xalay la kulmay Dhaxal-sugaha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan (MBS) oo isaga isku haya xilalka Dhaxal-suge, Ku-xigeenka RW iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga.

Ra’isul-wasaaraha dalka Sudan oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu bogaadiyey doorka muhiimka ee ay Sacuudiga ka qaataan dadaalka Nabadda ee Sudan iyo Marti-gelinta Saaxiibada Sudan “Sudan Friends’” oo qoondeysay Taageeradda dadaalka Nabadda iyo in Saraakiisha Sacuudiga lagu casuumay inay booqdaan dalka Sudan.

Kulanka ay RW Sudan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ee MBS xalay ku yeesheen Riyadh waxaa kaloo looga hadlay Horumarinta Iskaashiga Maalgashiga iyo Ammaanka Badda Cas.

Dhinaca kale, Wasiirada la socda RW Sudan waxaa la filayaa inay dhigooda Sacuudiga kala arrinsadaan sidii loo dardar-gelin lahaa Isakaashiga Dhaqaalaha ee labada dal.

Dowladda Sacuudiga waxay horey ugu ballan qaaday Dowladda Sudan Taageero Dhaqaale oo dhan 1.5 Billion oo Dollar, balse, waxay bixiyen 250 million oo Dollar oo keliya, taasi oo lagu shubay Khasnadda Bangiga Dhexe ee Sudan bishii May 19-dii ee sanadkii 2019-kii.

Booqasho uu Wasiirka Sacuudiga ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Axmed C/Casiis Qattan ku tegay magaalladda Khartoum bishii Feberaayo 17-dii ee sanadkan waxa uu RW Abdalla Hamdouk iyo Wasiirkiisa Maaliyadda kala xaajooday sidii loo sii dayn lahaa Lacagaha Deeqda ee weli ku harsan Sacuudiga, taasi oo dhan 1,25 Billion oo Dollar.

Wareysi uu Wasiirka Sacuudiga ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Axmed C/Casiis Qattan Telefishinka Khalijia TV bishan March 2-dii waxa uu sheegay in Dhaqaalihii ay Sacuudiga u ballan qaadeen Sudan labo sano ka hor loo adeegsan doono Maalgashiga Mashaariicda Beeraha.

Waxa uu tilmamaay inay Sudan ka codsadeen dhul-beereed ka badan hal million oo Acres, si looga hirgeliyo Mashruuc Beereedyo kaabi doonta Baahida Sacuudiga iyo dalalka Khaliijka ee dhinaca dalagyada beeraha.

Wasiirka Sacuudiga ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Axmed C/Casiis Qattan oo wareysi socday 60 daqiiqo siiyeyTelefishinka Khalijia TV waxa uu walaac ka muujiyey Ammaanka Badda Cas u leedahay dalkiisa, iyadoo Sacuudiga ay xuduud-baddeed dhererkiisu gaarayo in ka badan 2,400 KM la leeyihiin Badda Cas.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post