1095 Views

Monica Juma waxa ay muujisay welwelka siyaasadda Arrimaha Dibadda Kenya ee ku aaddan Kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal Maxkamadda ICJ

Monica Juma waxa ay muujisay welwelka siyaasadda Arrimaha Dibadda Kenya ee ku aaddan Kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal Maxkamadda ICJ
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 29, 2019—Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma oo Wareysi siisay Barnaamijka Focus on Africa ee BBC-da ayaa kajawaabtay dhowr su’aalood oo la xiriirta Kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, Wareysiga oo muuqaal ah waxa kamuuqday Wasiiradda welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo iskudhexyaac siyaasadeed, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay welwelka Kenya ee kuwajahan sheegashada Badda Soomaaliya.

Su’aasha koowaad ee la weydiiyey oo ahayd:- Ma aaminsantahay in kiiskan ICJ ee Kenya iyo Soomaaliya ay Maxkamadda si caddaalad ah u xukumi doonto?! Waxa ay uga jawaabtay dareen ah in Kenya aanay ku qanacsanayn maxkamadda mar, mar kalana aanay dooneynba in ICJ gasho Kiiskan, sidaas oo kale waxa ay muujisay in xitaa haddii ay Maxkamaddu xukun riddo iyo haddii kalaba aan xukunkaasi xal u noqon doonin arrinta, taas oo kadhigan in Kenya aanay xushmad iyo dhowrid siin doonin haddii sida ay u badan tahay Soomaalia loo xukumo milkiyadda Baddeeda!

Monica Juma waxa ay jawaab u weysay dalabkii Kenya ee ahaa in xalka iyo wada-xaajoodka Kiixska Badda Soomaaliya lagu galo meel kabaxsan maxkamadda iyada oo si is maahin uga jawaabtay Su’aal ahayd: Kenya waxaa ay dalbatay in meel aan maxkamadda ahayn wax lagu xalliyo, waa maxay saabta aysan Soomaaliya idingu raacin?

Wasiiraddu waxa ay iskudayday in ay barbar-dhigto Kiiska Badda Soomaaliya Kiisaska iyo muranka u dhexeeya Waddamo kale oo ku muransan ama isku haya Dhul badeed aan midkoodna u baahan in la tago heer maxkamad, waxa ay ku faantay Monica in Keyna kuwanaagsan kudhaqanka Qaanuunka Caalamiga ah balse waxa ay illowday in Kenya faraha lagashay Badda Soomaaliya iyada oo aan ogeyn ujeedka iyo cidda kadambeysa faragelinta Biyaha Soomaaliya, sidaas oo kale waxa ay iska-indho-tirtay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku laalay kuna diiday Isfahamkii dhexmaray xukuumaddii kmg ahayd ee Raisalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali.

Iyada oo Wareysigan dhexdiisa ku sheegtay in  xitaa haddii ay Maxkamaddu xukun riddo iyo haddii kalaba aan xukunkaasi xal u noqon doonin arrinta ayay haddana sheegtay in aanay kahordhacay xukunka Maxkamadda ICJ, waxa kale oo Juma u bareertay in ay hoos u dhigto Baarlamaanka Carabta oo ay sheegtay in aanay aqoon hay’ad la yiraahdo Baarlamaanka Carabta.

Qalabka Cadaadiska (Jubbalad & Somaliland) 

Monica Juma waxa ay soo hadal qaadday Arrimaha doorashooyinka Jubbaland iyo dowladda iskeed isu magacowday ee Somaliand, iyada oo kajawaabeysay Su’aal kusaabsanayd aragtida Kenya ee gobolada Waqooyi (Somaliland) ayay tiri: Wax  xiriir hoose oo gaar ah nagama dhaxeeyaan Somaliland, laakiin dano kale ayaa jiri kara,tusaale Koofurta Suudaan inta aysan dal noqon waxaan ku lahayn xafiisyo iyo wakiillo, marka taas micnaheeda maaha inaan aqoonsannay,waxaan aqoonsannahay Soomaaliya, sida Jubaland aan ula macaamilno ayaana ula macaamileynaa qeybaha kale ee Soomaaliya, marka taas ma waxa ay ka dhigan tahay inaan dal ahaan u aqoonsannay?, Maya.

Marka la soo xooriyo guud ahaa Wareysiga Juma waxa uu muujiyey welwelka xad-dhaafka ah ee haysta siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya iyo rejo la’aanta kusoo wajahan Kenya oo ka dhalan doonta Kiiskan.

Tifaftirka Mustaqbal+BBC Focus on Africa

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment