285 Views

Gaashaanle dhexe Muqtar Tifoow Shaah-macabe oo lacag dhan 5-kun oo dollar guddoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada Macawisleyda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaashaanle dhexe Muqtar  Tifoow Shaah-macabe oo lacag dhan 5-kun oo dollar guddoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada Macawisleyda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 27, 2022

Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo uu horkacayay Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow Shaah-macabe ayaa maanta lacag dhan 5-kun oo dollar guddoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada Macawisleyda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Lacagta abaal-marinta ah oo uu guddoomay Maxamed Maalin Janaqow oo ka mid ah xubnaha afarta ah ayaa waxay ku muteysteen dilka mid kamid ah horjoogayaasha Shabaab, oo toddobaadkii hore ay ku dileen weerar ay ku qaadeen degmada Ceelbaraf.

Horjoogaha la dilay ayaa sida la sheegay waxa uu xiligaasi ku howlana qaadista lacagaha baada ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ka aruurinayay shacabka deegaankaasi.

“5-kun oo dollar waa haysataan, waad leedihiin afartiina Nin ee soo dilatay ayaa iska leh. Nin madax ah (oo ka tirsan Khawaarijta Shabaab) ninkii soo dila waxa uu leeyahay Shan kun oo dollar. Hore ayaa loo ballan-qaaday, haddana haddii aad u soo noqotaan waa diyaar,” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow.

Sidoo kale Abaal-marinta lacageed ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayada oo hore sidan oo kale kumanaan dollar loo guddoonsiyay askar soo dishay xubno iyo horjoogayaal Shabaab ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo la rumeysan yahay in uu ahaa masuulkii bilaabay abaal-marinta noocan ah ayaa waxa uu hore fagaare ku taalla degmada Maxaas ku bixiyey lacag dhan 10-kun oo dollar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post