1050 Views

Wasaaradda Caafimaadka & Maamulka G/ Banaadir oo heshiis kala saxiixday

Wasaaradda Caafimaadka & Maamulka G/ Banaadir oo heshiis kala saxiixday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 07, 2021—Munaasabad uu Maamulka Gobolka Banaadir kula wareegey Adeegyada Caafimaadka ee ay Gobolka Banaadir ka bixiso Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magalaada Muqdihso.

Munaasabadda oo aad loo soo Agaasimey waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Wasiirka Caafimaadka XFS Dr. Fowzia Abiikar Nuur iyo Madax ka socota Dowladda Dhexe iyo Gobolka Banaadir oo uu ku jiro Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir  Cali Cabdi Wardheere (Cali-Yare).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay inay kala wareegneen Wasaaradda Caafimaadka XFS adegyadii caafimaad ay bixin jirtay, isla markaana  hadda kadib uu ka shaqeyn doono adeegyada caafimaad Maamulka Gobolka Banaadir.

Horay ayaa labada dhinac waxaa ay u soo saareen Guddiya la Shaqeeya in Maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo howlaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku guuleystay inay qorshahaas fuliyaan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post