1860 Views

Midowga Murashaxiinta oo saddex qodob kala hadlay Midowga Afrika Daawo

Midowga Murashaxiinta oo saddex qodob kala hadlay Midowga Afrika Daawo
____________________________________________________________________________

 

Arbaco : November 10, 2021

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa galabta la shiray guddiga Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika oo xubno ka tirsan ay maalin ka hor soo gaareen Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya ugu qanciyaan in howlgalka AMISOM lagu soo kordhiyo ciidamo ka socda Qaramada Midoobey, taas oo dowladda Soomaaliya ay aad u diidan tahay.

Golaha ayaa guddigaas kala hadlay seddax qodob, waxayna u gudbiyeen warqad ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan dooda ka dhex-taagan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, sida uu sheegay Ridwaan Xersi Maxamed oo Golaha Midowga Murashaxiinta u hadlay.

Golaha waxaa shirkaas ku casuumay guddiga ka socda AU-da ee ku sugan Muqdisho, waxaana looga hadlay seddax qodob oo kala ah, amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka ka socda dalka oo dib u dhac baahsan wajahaya.

“Kulankii aan la yeelanay guddiga AU-da waxaa aad looga dooday qorshaha ay wataan oo ah in wax laga bedelo howlgalka AMISOM oo lagu soo kordhiyo ciidamo ka socda UN-ka, arrintaas si qota dheer ayaan u faaqidnay, waxaan u sheegnay in qorshaha ay wataan uusan suurta-gal ka aheyn dalkeenna, waxaan u sheegnay in Soomaaliya aysan aqbaleyn in lagu celiyo ‘Jabtar 7,” ayuu yiri Ridwaan Xersi Maxamed oo u hadlay Midowga Murashaxiinta.

https://44b67aad9363e1ed207b1beaa48d7b58.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Waxuu intaas ku sii daray, “Guddiga Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika waxaan u cadeynay in ka hadalka arrintaas loo baahan yahay in lagu simo oo lala sugo dowladda cusub ee lasoo dooranayo, oo go’aan ka gaaridda arrintaan dib loo dhigo, maadaama aysan hadda suurta-gal aheyn, Soomaaliya-na ay ku jirto xilli doorasho.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinka dalka ay kala hadleen guddigaas, “Waxaan u sheegnay dalka hadii aysan doorasho ka dhicin inay khatar ku jirto nabad geliyadiisa, iyadoo laga tusaale qaadanayo dal kasta oo doorashadiisa ay dib u dhacdo ama musuq maasuq hareeyo, in halis uu wajaho, waxaa noo muuqata inuusan jirin jadwal cad oo lagu qaban karo doorashada dalka oo intaas soo jiitameysay, wax badana aysan ka qabsoomin, waa in doorashada BF lagu soo gabagabeeyo sanadkaan inta ka dhiman,” ayuu yiri Ridwaan Xersi.

Afhayeenkaan u hadlay Midowga Musharaxiinta sidoo kale waxa uu sheegay in guddigaas ka socda golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay kala hadleen xaaladda ammaan ee dalka, isla markaana ay la wadaageen walaacooda ku aadan in kooxaha ka soo hor jeeda dowladnimada ay qabsanayaan dhul hor leh oo aan horay gacantooda ugu jirin.

“Waxaan ugu baaqnay Midowga Afrika inay ciidanka Soomaaliyeed ku taageeraan hanashada amniga Qaranka, waxaan sidoo kale guddiga u gudbinay warqad uu ku cadyahay mowqifka Golaha Midowga Musharaxiinta ee aan ka taaganay arrimaha aan soo xusay, waxayna naga balan qaadeen inay sii socon doonaan wadahadallada aan ka yeenaneyno arrimaha taagan,” ayuu yiri Ridwaan Xersi oo u hadlay Golaha Midowga Musharaxiinta

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post