522 Views

Xoghayaha Joogtada Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday Q.M

Xoghayaha Joogtada Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday Q.M
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 4, 2022

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa maanta qaabilay masuuliyiin ka socday Qaramada Midoobay xafiisyadooda New york iyo Muqdisho, Ian Martin oo hoggaamiya Qaybta Dib u eegista Istaraatiijiyadda iyo James Swan oo ah Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay ka wada hadleen sida hawlaha iyo taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu siiyo dowladda loola jaangoyn lahaa barnaamijyada Xukuumadda cusub ay ahmiyadda siin doonto.

Kulamada waxaa goobjoog ka ahaa La taliyeyaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Amniga Kamal Gutale, Xiriirka Caalamiga Dr Hodan Cismaan iyo Arrimaha Dib u Heshiisiinta Cali Cabdi Awaare.

Xubnaha ka socday Qaramada Midoobay. ayaa markii dambe salaan sharafeed iyo hambalyeyn ugu tagay Ra’iisul Wasaare Xamse oo shalay ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post