1020 Views

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta dood kulul yeelanaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta dood kulul yeelanaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 21, 2020–Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in maalintii labaad oo xiriir ah ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa kulanka Maanta waxaa ay uga doodi doonaan hndise sharciyeedka Xeerka xaqiijinta Qoondada haweenka oo doodiisa ay shalay bilaabeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Xasan Cabdi Cismaan (Xasan yare) oo ka tirsan Xildhibaannada ayaa ku eedeeyey Guddiga diyaarinta xeerarka doorashada in kuraas kamid ah Golaha Shacabka ka rareen deegaan doorashadooda.

Waxaa uu ka dalbaday Guddoonka Golaha Shacabka in la kala saaro qoondada ay haweenka ku leeyihiin Golaha Shacabka iyo kuraaska ay ragga kaga guuleysteen,hadii aan taasi laga hortegina ay dhibaato keeni karto.

Xildhibaannada Haweenka ah ee haatan ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabtidii shalay waxaa ay siweyn uga doodeen ajandaha la xiriira xaqiijinta qoondad haweenka ee Baarlamaanka, iyaga oo qaarkood Guddoonka u gudbiyay mooshin ah in Haweenka loo daayo kuraastooda in iyaga kaliya ay ku tartamaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post