939 Views

Xisbiyo Maxkamadda Sare ee dalka dacwad u gudbiyay

Xisbiyo Maxkamadda Sare ee dalka dacwad u gudbiyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 1, 2020–Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Golaha Shacbaka sidoo kalena kamid ah hoggaanada xisbiyada mucaaradka ee dalka kajira ayaa sheegtay in Maxkamadda sare ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Sharciga doorashoyinka ay labada aqal ansixiyeen sidoo kalena uu saxiixay Madaxweynaha.

Waxaa ay sheegtay Xildhibaan Fowsiya in sharcigaan uu kasoo horjeedo Dastuurka dalka laguna deg degay ansixintiisa Baarlamaanka labada Aqal iyo saxiixa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan inay kasoo horjeedaan in dalka lagu sii dhaqo nidaamka 4.5 isla markaana ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed ay isku xaquuq noqdaan.

Hadalka Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli horay sharciga ay Baarlamaanka labada Aqal ansixiyeen Madaxweyne farmaajana uu ansixiyay ay kasoo horjeesteen Maamulada Puntland & Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment