1422 Views

Soomaaliland oo shaacisey sababta loo toogtey lixda Nin

Soomaaliland oo shaacisey sababta loo toogtey lixda Nin
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Soomaaliland ayaa faah faahin guud waxaa ay ka bixisey sababaha keenay in dil toogasho Maanta lagu fuliyo Lix Nin oo qaarkood in ka badan 9 Sano ku xirnaa Xabsiga Magaalada Mandheera ee Magaalada Gibileey.

 

Qoraal kasoo baxay Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa lagu soo bandhigey Magacyada la toogtey iyo dambiyadii lagu eedeeeyey oo ahaa inay dad horay u dileen.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xeer ilaalinta guud ee Somaliland.

 

 

 

Iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

 

1: Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.

 

2: Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Ismaaciil Faarax Maxamad.

 

3: Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

 

4: Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

 

5: Ceydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaas oo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuum Idiris Daa’uud Jaamac.

 

6: Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Garaad Aadan Maxamad.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment