2760 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Bahda Waxbarashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Bahda Waxbarashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 26, 2017 – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi galabta kulan kula qaatay Xubno ka socday Bahda waxbarashada ee Gobolka Hiiraan, Iyo aqoonyahanada Magaaladaasi Ku dhaqan.

Kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii uu dhiira galin lahaa madaxweynaha, waxbarashada, Iyo in uu Ku baraarujiyo in lagama maarmaan ay tahay xoojinta isdhex galka bulshada taasi oo qeyb ay ka qaadan karaan Macalimiinta Iyo maamulada madaarista waxbarasho.

Aqoonyahanada Iyo Xubnaha matalayay Bahda Waxbarashada ayaa Madaxweynaha sharaxaad ka siiyay sida ay u shaqeeyaan Iyo caqabadaha heysta, iyagoo ka dalbaday Dowladda Hirshabelle in ay ka Gacan siiso horumarinta Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mundane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan Xoghaye Iyo Agaasimayaal matala Wasaaradda waxbarashada La magacaabi doono si ay u sahlanaato ka wada shaqeynta horumarinta waxbarashada.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa aqoonyahanada ka codsaday in ay garab istaagaan dowladnimada xilna ay iska saaraan horumarinta is dhex galka bulshada Iyo amniga, isagoo xusay in lagama maar maan ay tahay in qof kasta uu ka shaqeeyo xaqiijinta Amniga taasi uu sheegay in bulshada ay wada deeqdo.

Kulankaasi ayaa waxaa madaxweynaha Ku  wehlinayay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Hirshabelle C.qaadir Cabdulle Xooshow, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane Cali Jeyte, Iyo mas’uuliyiin kale, waxaana inta madaxweynuhu uu Ku suganyahay Beledweyne uu kulamo kale duwan uu La yeelan doonaa qeybaha kale duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada Qalabka sida Iyo kuwa Amisom, iyadoo uu booqan doono meela kale duwan oo magaaladaasi ah.

.

.

.Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment