930 Views

Mid kamid ah la-taliyeyaasha Farmaajo oo laga soo celiyay Garoonka Kismaayo

Mid kamid ah la-taliyeyaasha Farmaajo oo laga soo celiyay Garoonka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Wararka laga helayo  Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayan in Maanta garoonka Kismaayo laga soo celiyay diyaarad siday la-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Cali Raage.
Diyaarada oo ka ambabaxday magaalada Muqdisho ayaa markii ay ka degtay garoonka Kismaayo lagu wargeliyay in dadka saran dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho, waxan dadkaasi kamid ahaa Cabdi Cali Raage oo sidoo kale ah Musharax Xildhibaan.

Qaar kamid ah siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa warkaan xaqiijiyay, iyaga oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in qof musharax Xildhibaan ah laga loo diido in uu tago Magaalada kismaayo.
Cabdi Caali Raage oo sidoo kale mar soo noqday La Taliye Sare Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegaa inuu ka mid ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa khilaafkii Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post