3060 Views

Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay gudoomiye cusub

Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay gudoomiye cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 30, 2018 – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hoggaamin doona Saddexda Sano ee socota ka dib Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Wareegii ugu dambeeyay ee doorashadda ayaa waxaa ku tartamaayay musharaxiinta kala ah Ibraahim Isaaq Yarow iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 265 xildhibaan.

Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamaayeen 10 Musharax ayaa ugu dambeyntii waxa ay Guusha raacday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Wasiirka Difaaca.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiramaan ayaa helay 147 , halka Ibraahim Isaaq Yarow  uu  helay 118 Cod.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment