3897 Views

Go’aankii ka soo baxay Kulankii maanta ee Baarlamaanka Soomaliya & Shuruudo lagu xiray musharaxiinta guddoonka cusub

Go’aankii ka soo baxay Kulankii maanta ee Baarlamaanka Soomaliya & Shuruudo lagu xiray musharaxiinta guddoonka cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 31, 2016 – Kulankii labaad kalfadhigii koowaad ee xildhibaannnada baarlamaanka 10aad ee Soomaliya Sabtidii maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa go’aan looga gaaray sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka guddoonka gollaha shacabka iyo madaxweynaha.

Xildhibaannada ayaa dood dheer kadib isku raacay in musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya laga qaado lacag dhan $ 15,000 oo doolar, halka musharixiinta u tartamaya ku-xigeenka guddoonka baarlamaanka laga doonayo in ay bixiyaan $10, 000 doolar.

Siddoo kale, baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in musharixiinta madaxweynaha laga qaado $ 30,000 oo doolar, qodobkan oo ka mid ahaa go’aamadii horey loogu gaaray shirkii ugu danbeeyay ee masha-wada tashiga ayaa waxaa muuqata in xildhibaannada sidiisa u daayeen.

Dhinaca kale marka la eego xildhibaannada baarlamaanka ayaa isku raacay in musharaxa madaxweynaha siddoo kale laga doonayo saxiixa 20 xildhibaan, waxaana halkii xildhibaan loo ogol yahay in uu saxiixiisa siin karo ilaa saddex musharax.

Xildhibaannada ayaa fadhiga maalinta Axadda ee berri ah lagu wadaa in ay ku magacaabaan guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka oo aan maanta waqti loo helin.

.

.

Xigasho: Horumar Online

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment